Madaxweyne Xasan “Soomaaliya & Ethiopia Bog Cusub ayaa Ufurmay”

by Zelalem

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kummanaan shacabka reer Ethiopia khudbad ugu jeediyey garoonka ciyaaraha ee magaalada Mekelle, halkaas oo maanta ay ka dhacdey munaasabad balaaran oo lagu xusayey 40 guuradii ka soo wareegtey markii la aasaasey ururka Tigray People’s Liberation Front (TPLF) oo ka mid ah isbahaysiga EPRDF ee haya talada dalka Ethiopia.

Madaxweynaha oo khudbaddiisa arrimo badan kaga hadley ayaa shacabka reer Ethiopia ugu hambalyeeyay xuska munaasabaddan qaran oo uu sheegay inay tahay maalin wax weyn ka bedeshay Ethiopia.

‘’Maanta waa maalin weyn oo aad u qiimo badan. Ururka TPLF taariikh muhiim ah ayuu qoray. TPLF iyo EPRDF waxay qaadeen talaabooyin ay isbeddelo wax ku ool ah uga dhalinayaan Ethiopia, taas ayaana keentay inay dhisanto Ethiopia cusub oo ay mudan tahay inay ku daydaan dalalka kale ee Afrika si loo higsado horumar dhan kasta ah oo qaaradda ay gaarto’’.

Waxaa uu madaxweynaha xusey in Ethiopia iyo Soomaaliya uu ka dhexeeyo xiriir qoto dheer, wallow waqtiyo adag la soo marey, balse haatan uu bilowday bog cusub oo waxtar u leh shacabka labada dal.

‘’Wax walba oo aan horey u soo marney maanta waxan mar kale hortiina ka caddeynayaa in bog cusub oo taariikhda labada dal iyo shacabkooda uu inoo furmey. Waxan mar walba ka shaqeyn doonaa xoojinta iskaashi dhan kasta oo dhex mara labada waddan, sida xasiloonida gobolka, dhaqaalaha, arrimaha bulshada iyo wax walba oo sii adkeyn kara derisnimadeena’’.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale shacabka reer Ethiopia iyo madaxda kale ee munaasabadda joogay uga warbixiyey xaaladda Soomaaliya oo u sheegay in dhabbada la saarey adkeynta dowladnimada, amniga iyadoo hadafka la leeyahayna uu yahay dhismaha Soomaaliya cusub oo dimoqraadi ah, nabad ah, kaalinna ka geysata nabaddda iyo horumarka gobolka Afrika inteeda kale.

‘’Ethiopia nasiib ayay heshey waayo 1991kii markii ay rideen dowladdii keligii taliska, waxaa u baryey waa cusub oo horumarka ay maanta gaareen ay ka marag u tahay. Anagase ridistii taliskii hore waxaa xigey dagaalo sokeeye iyo fowdo. Xaaladdaasi wan ka gudubney, wax badan ayaana qabsaney. Dalalkii wiilashooda iyo gabdhahooda ay nafta u hureen si dhibaatada aan uga baxno waxaa ka mid ah Ethiopia, si weyn ayaana uga mahadcelinayaa’’.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka mid ahaa madaxda caalamiga ee lagu martiqaadey xuskan weyn ee bilowgii dhaqdhaqaaqa isbeddel doonka iyo dimoqraadiyadda Ethiopia, ayaa sheegay in shacabka reer Ethiopia ay dunida u muujiyeen in midnimada horumar lagu gaari karo, isla markaana Soomaaliya ay wax badan kaga dayan karto Ethiopia, gaar ahaan horumarka laga sameeyay dhismaha dowlad goboleedyada.

Madaxweynaha ayaa khudbadda muhiimka ah ee uu ka jeediyey magaalada Mekelle, ka sokow kulamo kooban la qaatey Madaxda kale ee xuskan lagu martiqaadey sida madaweynayaasha Ethiopia,Sudan, Rwanda, ra’iisul wasaareyaasha Djibouti iyo Uganda , iyo Madaxa Guddiga Sare ee Midowga Afrika Nkosazana Dlamini Zuma.

Xalay Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa uu magaalada Mekelle, Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Haile Mariam Desalegn kala qeybgaley bandhig iyo barnaamijyo lagu maamuusayo xuskaasi maalintii TPLF ay dhaqdhaqaaqa hubeysan ka bilaabeen Ethiopia.

Comments (0)

Leave a Commnet

Related Posts

Leave a Comment